4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2017
Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo markii afaraad la keenay magaalladda Muqdisho

 
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) –Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Muqdishu, waxaa shalay soo caga dhigatay diyaarad sidday inkabada 50 qof oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka Aadan Adde.

Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa sheegay in dadkan ay ku jireen xabsiyo ku yaalla Maraykanka, halka qaar kalena ay ku guuldarraysteen inay magangelyo helaan.

Waa kooxdii afaraad ee muwaadiniin Soomaali ah ee laga soo tarxiilo Maraykanka tan iyo markii madaxweyne uu noqday Donald Trump.

Bishii Jannaayo waxaa lasoo tarxiilay 90 qof, halka bishii Maarso lasoo tarxiilay 68 qof, sidoo kalana bishii May waxaa lasoo tarxiilay 67 qof oo Soomaali ah.

12-kii bishan April, Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad, ayaa sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay'addaha socdaalka Maraykanku ay qorsheynayaan inay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka.

Safiir Axmed Ciise Cawad, ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka lasoo masaafurinayo in aysan ku jirin xarruumaha dadka lagu hayo.
Safaaradda Soomaalidda ee magaalladda Washington, ayaa dib loo furay bishii November ee sanadkii 2015.

Dhinaca kale Brendan Raedy, oo ah afhayeenka ICE, waaxda fulinta socdaalka iyo kastamka ayaa sheegay in ay jiraa dad badan oo Soomaali oo sugaya in lasoo tarxiilo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia