Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa furay kulan laysugu
keenay laba beelood oo colaad mudo dheer soo jiitamaysey ka dhextaagnayd Koonfurta
gobolka Sool.
Kulankan oo lagu qabtay Hotel Xamdi
oo ku yaala bariga magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay ka sokow
labada beelood madax-dhaqameed, Cuqaal, waxgarad, Masuuliyiinta Gobolka iyo
Degmada, Wasiiro iyo xildhibaano, kuwaas oo Dhmaantood ahaa dadkii ku hawlanaa
daminta colaada oo galaafatay dad badan, qaarbadana barakicisay.
Wasiirka Arimaha Gudaha Yaasiin
Maxamuud Xiir ayaa waxa uu halkaasi ka soo jeediyey hadalo waano, waxsheeg iyo
hadii la qaadanwaayo nabada cawaaqib xumada ay reebayso iyo weliba talaabada ay
ka qaadan doonaan.
Qaar ka mid ah madaxda dhaqanka
degaankaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Suldaan
Mustafe Maxamuud Awseed oo ka waramay mudadii ay ku hawlanaayeen isukeenista
Labada beelood oo ay dhibweyn kala kulmeen, talooyin waafiyana waa ay u soo
jeediyeen.
Qaar badan oo ka soo qaybgalayaasha
ahaa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland
Seynab Cabdi Warsame