Talaado, May, 23, 2017 (HOL) - Ugu
yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 59 kalana waa ay ku dhaawacmeen
kadib markii uu qarax weyn xalay ka dhacay goob uu ka socday bandhig faneed, oo
ku taalla magaalada Manchester, ee dalka Ingiriiska.
Qaraxa ayaa dhacay wax yar kaddib markii ay dadka billaabeen inay kasoo
baxaan xarunta Manchester Arena, xilligaas oo uu dhammaaday bandhigga ay
sameyneysay fanaanada reer Mareykan ee Ariana Grande.
“Waxaan dhacdadan u tixgelineynay weerar argagixiso, waxaana rumeysanahay
inuu fuliyey hal nin” waxaa sidaas yiri madaxa booliiska Manchester, Ian
Hopkins.
Hopkins ayaa sheegay in baarayaasha ay rumeysan yihiin in qofka weerarka
fuliyey uu xirnaa aalad qaraxda oo uu qarxiyey, islamakraana uu goobta ku naf
waayey.
Booliiska ayaa hadda kala shaqeynaya saraakiisha sirdoonka iyo ka hortagga
argagixisada inay helaan akhbaaraad dheeri ah oo ku saabsan qofka weerarka
fuliyey, iyo hadii uu kaligiis ahaa ama ka tirsanaa shabkad.
Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka xarunta Manchester Arena oo qaada 21,000 oo
qof markii ay dhammaatay xafladda.
Xigasho VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]