4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 21, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya shirka u dhexeeya Maraykanka iyo dowladdaha Islaamka


Axad, May, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay magaalladda Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Farmajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb-galo shirka u dhexeeya wadamadda Islaamka iyo dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in kulamo uu la qaato madaxda kasoo qeyb-gashay shirka.

Inta badan dowladdaha Islaamka ayaa ka qeyb-galaya shirka, waxaana la filayaa in diiradda lagu saaro shirka xiriirka Maraykanka iyo dowladdaha Islaamka, ladagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisada iyo iskashiga dowladdaha.

Shirka waxaa sanadkan ka qeyb-galaya Madaxweyne Donal Trump, kaas oo la filaya in khudbadiisa uu diirada ku saaro sidii loogu midoobi lahaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweynaha Maraykanka oo booqashadiisii ugu horreysay ku tegay dalka Sacuudiga tan iyo markii uu xilka qabtay ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo hogamiyeyaasha 40 dal oo Islaam ah, kuwaa oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in booqashada uu ku tegay Sacuudiga ay ahayd mid ahmiyad weyn leh, madaama ay dalka Sacuudiga saxiixdeen heshiisyo ganacsi oo ku kaceyso balaayiin doolar.

Booqashada madaxwayne Trump ee Sacuudiga ayaa waxa sidoo kale lagu wadaa in ay horseedo heshiis dhanka hubka ah oo dhan in ka badan 100 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia