4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 29, 2017
Laba askari oo dowladda ka tirsan oo lagu weeraray Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 29, 2017 (HOL) -Koox hubeysan ayaa xalay xaafada Buur-dheere ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ku dilay askari ciidanka NISA ka tirsanaa, iyagoona sidoo kale dhaawacay askari kale, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Maamulka degaanka ayaa sheegay, in kooxihii hubeysnaa ay baxsadeen.

Askarta la weeraray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Anas iyo Ibraahim Shigshigow.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday ciidankaasi ka tirsan nabadsugida Soomaaliya.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Askarta la rasaaseeyay, iyaga oo sidoo kale sameeyay baaritaano la xiriira falkan.

Amaanka magaaladda Muqdishu, beriyii lasoo dhaafay aad ayaa loo hadalhayay.

Weerarka lagu qaaday askartaasi ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo isla xalay, rag hubeysan ay degmadda Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, ku dhaawacay Maxamed Isaaq Tubane, oo la sheegay in uu ka mid ahaa Ergadii Xildhibaannada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia