Falanqeyn : Maxey tahay cabashada xildhibaannada ee ka dhanka ah gollaha cusub ee wasiirada
Axad, Maarso, 26,
2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo gollihiisa wasiirada cusub
ee dhawaantan uu magacaabay ayaa durbaba wajahaya caqabad iyo culeys
siyaasadeed oo uga imanaya xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ka hor inta aan
la horgeyn gollaha shacabka.
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo
garwaaqsaday miisaanka xidhibaannada diidan habka saami-qeybsiga xubnaha cusub
ee gollaha wasiirada ayaa qoraal uu u diray ra’iisal wasaare Kheyre ugu baaqay in uu dib u eegis ku sameeyo
gollihiisa wasiirada ka hor inta aan la hor keenin baarlamaanka.
Dadka Falanqeeya arimaha siyaasada ayaa qaba in gadoodka ugu
badan ee xildhibaannada uu ka imanayo dhinaca saami-qeybsiga beellaha oo
siyaasiyinta qaar u arkaan in aan lagu saleyn habka awood qeybsiga 4.5ka oo mudo
dheer soo tixnaa.
Xildhibaan Idiris Aadan Dhakhtar oo ka mid ah mudanayaasha
ka soo jeeda maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha looga
fadhiyo in uu toosin uu ku sameeyo gollaha wasiirada ka hor inta aan la horgeenin
baarlamaanka.
‘’Nuxurka toosinta waxaa uu noqonaya in xukuumadan ay
baalmarsan tahay habkii awood qeybsiga 4.5 oo xukuumadii hore oo dhan ay ku
saleysnaayeen, ayuu yiri Xildhbaan idiris
Aadan Dhakhtar
Hoos marka aad u sii
eegto doodda xildhibaannada waxaa kuu muuqanaya in ay siweyn u saluugsan yihiin in beelaha qaar
la siiyo wasiiro dheeraad oo aan horay u soo marin xukuumadihii ka
horeeyay, halka dhinaca kale laga yaabo
in ay jiraan beello aan wax saami ah ku yeelan xukuumada.
Baarlamaanka oo laftirkiisa ku dhisan habka awood
qeybsiga aan tastuurka ku saleysneyn ee 4.5 ayaa u muuqda mid ay ka dhax abuurmayaan
isbaheysiyo iska soo horjeeda, madaama gollaha wasiirada cusub ee la soo dhisay
ku jiraan tiro xildhibaanno ah oo u olaleynaya in xukuumada la meelmariyo.
Jahwareerkan siyaasadeed ee ka oogan baarlamaanka iyo xukuumada cusub ayaa imanaya xili dalka uu
dibada uga maqan yahay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo.
Ugu danbeyntii, lama oga go’aanka ra’iisal wasaaraha uu ka
qaadanayo baaqa guddoonka baarlamaanka ee ah in dib u eegis lagu sameeyo xubnaha
cusub ee gollaha wasiirada, mana aha markii ugu horeysay oo ra’iisal wasaare
dib u eegis ku sameeyo gollihiisa wasiirada, madaama ra’iisal wasaarihii hore
Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke tiro labo jeer uu dib ugu laabtay golle wasiiro uu soo dhisay kadib markii uu ka war helay guuxa xildhibaannada baarlamaankii
markaas jiray oo siweyn u dhaliilay habka uu xukuumada u soo magacaabay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]