4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 25, 2017
Weerar lagu dilay xoghayihii degmada Wadajir oo goor dhaw ka dhacay Muqdisho

 Sabti, Maarso, 25, 2017 (HOL) – Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay degmada Wadajir xoghayihii guud ee degmada oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Sheekh Axmed Calasoow, waxaa sidoo kale weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmada.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada amniga ku raad joogaan sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilka ka danbeeya oo goobta ka baxsaday.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo sidoo kale dhacdadan ka hadlay ayaa sheegay in labada mas’uul gaari ay wateen lagu horgooyay gaari kale kaddib-na rasaas lagu furay, taasoo keentay dhimashada xoghayaha iyo dhaawaca guddoomiye waaxeedka.

Ugu danbeyntii, dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal is daba joog ah oo waayadii ugu danbeeyayba ka dhacayay qeybo kala gadisan oo caasimada ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]