4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kulmay +Sawirro


Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada dalka Kenya, halkaasoo uu kulan albaabada u xiran yihiin kula qaatay dhiggiisa Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si maqaam sare ah loogu soo dhaweeyay aqalka madaxtooyada, waxaana ay salaan ka qaateen iyaga oo wada jira labada madaxweyne cutubyo ka tirsan ciidamada Kenya.

Kulanka oo ah mid gaar ah ayaa la filayaa in ay labada madaxweyne ugu wada hadlaan arimo la xiriira, qaxootiga, abaarta, siyaasada, xiriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta aya lagu wadaa in ay saxiixaan hishiis labo geesood ah kulankooda kaddib, waxaana la filayaa in ay warbaahinta la hadlaan.

Booqashada madaxweyne Farmaajo oo ah mid saddex cisho qaadan doonta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah kulan madaxeedka wadamada urur gobolleedka IGAD oo ka furmaya maalinta Sabtida ah magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-gali doonaan madaxda wadamada ku jira urur gobolleedka ayaa la filayaa in looga wada hadlo arimaha bani’aadannimada iyo xasaradaha siyaasadeed ee ka oogan guud ahaan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]