4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 23, 2017
Xarrakada Al-shabaab xalay weerar culus ka geysatay degmada Baraawe

Khamiis, Maarso, 23, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday magaalo xeebeedka Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarkan oo ahaa mid xooggan ayaa Al-Shabaab waxay dhowr jiho ka weerartay degmadaas, iyadoo gudaha u gashay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Madoobe ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabiyeen Al-Shabaabki xalay soo weeraray, iyagoo tilmaamay in haatan ay ku daba jiraan raadkooda.

Waxaa uu sheegay in laftirkiisa uu ka mid ahaa ciidamada xalay la dagaalamay, waxaana uu xusay inay khasaare u geysteen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka gubeen ciidanka dowladda labo gaari, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray ciidamada dowladda.

Ugu danbeyntii, ciidamada AMISOM ayaa saldhig ku leh duleedka magaalada Baraawe iyo halka looga galo, waxaana gudaha magaalada ku sugan ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]