4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 26, 2017
Madaxda ugu sareeysa ee dalka oo ka qeybgalay Xuska 26-ka Juun

Isniin, June, 26, 2017 (HOL) - Munaasibadda xuska 26-ka Juun oo ay maalintii ay xoroobeen gobollada waqooyi ee Dalka ayaa lagu qabtay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayadoo ay ka qeybgaleen madaxda ugu sareeysay ee dalka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

Munaasibadda ayaa intii ay socotay waxaa madasha la aqriyay taariikhda halgankii gobanima-doonka ahaa ee dalka iyo guulihii isdaba joogga ahaa ee ay soo hoyeen.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Thaabit Cabdi Max'ed oo madasha qudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalintii laga guuleystay gumeystihii ku amar taagleyn jiray Dalka, isagoo intaa ku daray in ay tahay maalin mudan in la xuso.

Masuuliyiin isugu jirtay xubnaha labada aqal ee dowladda iyo marti sharaf kale ayaa munaasibadda ka qeybgalay, waxaa masuuliyiintii ka hadashay kamid ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweeynaha Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) kana mid ahaa gudigii soo agaasimay xafladda ayaa sheegay in masuuliyiinta ugu sareeysa ee dowladda ay caawa u yimaadeen in ay ka qeygalaan xuska 26-ka Juun oo uu xusay in ay tahay maalin ku weyn bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalintii ugu horeeysay oo calan Soomaaliyeed laga taago dalka Soomaaliya, waxa uu sheegay in ay ahayd taariikh lama ilaabaan ah, ayna ahayd maalintii laga miro dhaliyay dadaalkii gobonima doonka dalka Soomaaliya.

Ugu danbeyn waxaa munaasibadda ka hadlay Madaxweynaha Soomaliya Mudane Max'ed C/laahi Max'ed Farmaajo, isagoo ka sheekeeyay guulihii isdaba joogga ahaa ee la gaaray xilligii gobonima doonka oo ay ugu horeeysay guushii 26-ka Juun gobollada waqooyi ee dalka looga xoreeyay gumeystihii Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay faa'iidooyinkii laga dhaxlay gobonimada, iyo dhibaatooyinkii dhacay wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe ee dalka iyo weliba sida ay lagama maarmaanka u tahay in markale bulshada Soomaaliyeed u istaagto sidii loo soo celin lahaa midnimadii iyo sharaftii ay lahayd bulsha weynta Soomaaliyeed.

 “Halgankaasi dheeraa waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u diray guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in ay tahay maalin aan la ilaabi karin oo baal dahab ah ugu qoran taariikhda dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.