Arbaco, June, 21, 2017 (HOL) - Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax
ka beddellay qaabka dhaxalka Boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Maxamed Bin
Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.
Ninkii dhaxalka Boqortooyada lahaa, amiir Maxamed Bin Nayef, ayaa darajadaas
laga xayuubiyey, waxaana laga eryey wasiirnimadii wasaaradda arrimaha gudaha.
Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku
magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra'iisul
wasaare ku xigeen.
Isbeddellada ayaa lagu shaaciyey dikereetooyin boqortooyo oo is xig-xigay.
Wakaaladda wararka ee dawladda Sacuudiga waxay sheegtay in boqorka uu ku
baaqay in shacabka ay daacadnimo ugu muujiyaan amiirka cusub magaalada Makka
fiidnimada Arbacada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]