3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
DAAWO: Madaxweynaha Jubaland oo ka warbixiyay shirkii Golaha amniga Qaranka ee Muqdisho
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland oo mudooyinkii u danbeeyay ku maqnaa magaalada Muqdisho halkaa oo uga qeybgalay shirkii golaha amniga Qaranka ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehlinayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed A Salaad (Oomaar), oo hordhac u ah golaha xukuumadda oo la filayo in Khamiista nagu soo aadan shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshaan Kismaayo, waxaana garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeennada iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.

Madaxweynaha oo imaatinkiisa kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu uga soo qeybqagalay shirkii golaha amniga Qaranka, isagoo xusay in shirkaasi guul kusoo dhamaaday.

Waxa uu sheegay  in arimaha ugu muhiimsan ee looga hadlay ay kamid ahaayeen sidii loo qaabeyn lahaa ciidamada qalabka sida, difaaca iyo dhismaha guud ee ciidamada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waxa uu xusay in sidoo kale laga wada hadlay sidii loo suurogalin lahaa in laga maarmo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya islamarkaana ammaanka dalka ay la wareegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in shirka la isku khilaafay, isagoo warbaahinta ku eedeeyay in ay baahisay warar xaqiiqada ka fog oo ku aadan shirkii golaha amniga qaranka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Kismaayo ay maalinta khamiista ah martigelin doonto shirka golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, arrintaa oo uu sheegay in ay ku timid kadib dadaallo ay ku bixiyeen sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn iyo isdhexgal iyo in dowladdu marba meel ku shaqeeyso, isagoo xusay in sidoo kale ay rajeynayaan in Baarlamanku sidaa si lamid ah marba gobol ku shiri doonaan.

Halkan ka daawo Muuqaalka;

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
7/11/2017 2:36 PM EST
Talaado, July 11, 2017 (HOL) - Ururka sosca ee ka dhisan dalka Canada ayaan sida caadada aheyd qabanqaabiyey tartan ciyaareed Kubada cagta ee sanadka 2017.

7/11/2017 11:51 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) – Xog-hayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, isagoo isku dayaya in uu dhex dhexaadiyo xiisada diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Qatar iyo Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga.

7/11/2017 11:01 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) – Guddidda anshaxa ilaalinta habsami u socodka arrimaha doorashooyinka, ayaa dhaliilo usoo jeediyey labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI,isla markaaana ugu baaqay inay joojiyaan loolanka ayka dhex bilaabeen qaadashadda diiwaangelinta.

7/11/2017 10:51 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL)– Waxaa wali xiran ganacsiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada.

7/11/2017 9:03 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay maamulka 7 Iskuulada oo ku yaala magaalada, kaddib markii ay tageen deegaan ay maamulaan Al-Shabaab.

7/11/2017 8:50 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Ciidamada amniga dowlad gobolleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay 14 dhanlinyaro ah oo sida ay shegeen damacsanaa in ay ku biiraan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gobolka Bari.

7/11/2017 6:06 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Ciidamada AMISOM ayaa bilaabay in ay ka guuraan mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha Jaamacaddii Gaheyr ee ku taal degmada Wadajir.

7/11/2017 4:50 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu eedeeyay in ay taageeraan Ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

7/11/2017 2:20 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Ciidamada amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyey inay faqayeen qubuuro ay ku aasan yihiin wadaad caan ka ah degmadda Arabsiyo.

7/11/2017 2:15 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hambalyeeyey Iraq, Ra’isulwasaaraheeda iyo ciidanka amaanka xoreynti ay kooxda Daacish ka xoreeyeen magaalada Mosul.

7/11/2017 2:10 AM EST
Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Booliska dalka Masar ayaa sheegay in ay dileen lix ruux oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kaddib iska horimaad dhexmaray malleeshiyadani iyo cidamada booliska.