4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Xisbiyada KULMIYE iyo WADANI oo digniin loo jeediyay

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL) – Guddidda anshaxa ilaalinta habsami u socodka arrimaha doorashooyinka, ayaa dhaliilo usoo jeediyey labadda xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI,isla markaaana ugu baaqay inay joojiyaan loolanka ayka dhex bilaabeen qaadashadda diiwaangelinta.

Guddida Anshaxa ee llaalinta Habsami u socodka xisbiyadda (monitoring Boad) Ee Somaliland ayaa sharci daro ku tilmaamy Ololaha toos ah ee labaddaasi xisbi ka dhex bilaabeen shacabka gobolka Togdheer.

“Sida ku cad Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda ee Kaadh-qaybinta ee Xisbiyadda iyo Komishanka Doorashooyinku kala saxeexdeen April/2017; lyaga 00 ogsoon in Xeerka Hab-dhaqanku ka reebayo xisbiyadda in ay sameeyaan olole ka hor waqtiga doorashada ee sharcigu jideeyay iyo in ay adeegsadaan hadalo xanaf leh 00 bulshada kala kaxaynaya; Ka dib markay arkeen Qodobadda Xeerka Hab-dhaqanka muddada kaadh-qaybinta Qodobkiisa 7aad farqadiisa 13aad, 14aad, iyo 15aad.”qoraal ka soo baxay guddida anshaxa ilaalinta habsami u socodka.

“Marka ay darseen ficiladda labadda xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ay ka wadaan deegaanadda Gobolka Togdheer,lyo cabashada Xisbiga Ucid ee sumaddeedu tahay Ref/UClD/XDH/270/2017 ee 09/07/2017.Kadib markii ay darseen Guddidu arrintaasi, kana baaraan dageen waxa ay farayaan Xisbiyadda siyaasada ee Kulmiye iyo Waddani in ay joojiyaan ololaha sharciga baal-marsan ee ay ka waddaan gobolka Togdheer iyo deegaanadiisa, isla markaana ku ekaaddaan xaydaabka sharcigu u ogol yahay, iyaga 00 talaabo adag laga qaadi doono haddii ay u hogaansami waayaan si waafaqsan Xeerka Anshaxa”.

Xisbiga UCID ayaa guddida doorashooyinka iyo guddida anshaxa ilaalinta habsami socodka inay labadda xisbi ee kale ku gafeen xeerkii anshaxa ee xisbiyaddu wada saxeexeen.

Labadda xisbi ee kale ayaa maalmihii u dambeeyey olole qaawan oo ka hor imanaya xeerkii anshaxa nidaamka doorashadda, kuwaas oo dadweynihii ku soo dhoweynayeen calamadda iyo astaanta labadda xisbi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.