4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Ganacsiga magaalada Boosaaso oo maalintii Afaraad xiran

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL) – Waxaa wali xiran ganacsiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogay ganacsatada.

Maamulka Puntland ilaa haatan si faah faahsan uga aysan hadlin murankan ka taagan canshuurta cusub ee la sheegay in la soo rogay.

Xaaji Maxamed Siciid oo ka mid ah ganacstada magaalada Boosaaso oo la hadlay VOA ayaa sheegay in maalintii Afaraad ganacsiga magaalada Boosaaso uu u xiran yahay canshuur uu maamulka ku soo rogay ganacstada.

‘’Ilaa Khamiistii aan soo dhaafnay suuqa waa uu xiran yahay, waadna ogtihii dhibaatada arintaa ay sababtay awalba dadka oo xaalad abaar ah isaga jiray, haddana in ay waayaan meel ay wax ka iibsadaan wa dhibaato’’ ayuu yiri Xaaji Maxamed Saciid.

Canshuurtan sababtay in uu ganacsiga magaalada xirmo ayuu ku sheegay in ay tahay mid ku cusub dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso, isaga oo intaa ku darray in xitaa deegaannada kale ee dowlad gobolleedka Puntland aan laga qaadin.

‘’Annaga canshuur bixiyayaal ayeeynu nahay, laakiin tan hadda nalagu soo rogay ee uu ganacsigu u xiran yahay waa mid nagu cusub oo xitaa aan laga qaadin deegaannad kale ee Puntland’’ ayuu yiri ganacstadaha u waramay VOA.

Magaalada Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka dalka ee dhinaca ganacsiga ugu hormarsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]