4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Magaalada Jowhar maamulayaal Iskuul oo xabsiga la dhigay

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay maamulka 7 Iskuulada oo ku yaala magaalada, kaddib markii ay tageen deegaan ay maamulaan Al-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in aamulayaashan la xiray, xilli ay magaalada ka soo galayeen koontaroolka galbeed ee magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in maamulayaasha iskuulada ku yaalla Jowhar maalmo ka hor Al-Shabaab ugu yeereen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, kadibna ay shalay tageen, iyagoo la soo kulmay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada nabad-sugida ayaa xabsiga dhigay maamulayaashan, waxaana lagu eedeeyay inay tageen deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, iyagoo fulinaya awaamiirtooda.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada Jowhar ayaa wali ka hadlin xariga Maamulayaasha Iskuulada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]