4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Puntland oo qabatay dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay ku biiri lahaayeen Al-shabaab

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Ciidamada amniga dowlad gobolleedka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay 14 dhanlinyaro ah oo sida ay shegeen damacsanaa in ay ku biiraan xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama gobolka Bari.

Dhalinyaradan ayaa sida ay saraakiishu sheegeen watay hal gaari, waxaana ay isugu jireen 10 dagaalamayaal ah , darawalka gaariga ku waday iyo labo haween, sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhalinyarada la soo bandhigay nin ajnabi ah.

Laakiin warar kale oo madaxbanaan oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhalinyarada la qabtay ahaayeen kuwo ku sii jeeday Tahriib laguna qabtay meel dulleedka ka ah magaalada Garoowe.

 

Puntland ayaa dagaalo kula jirta Al-Shabaabka ku sugan dhulka buuraleyda Gobolka Bari, waxaana maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Puntland howl gallo ka wadeen buuraha Galgala.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]