4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2017
Ciidamada AMISOM oo ka guuraya mid ka mid ah saldhigyadoodii ugu weynaa Muqdisho

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL) - Ciidamada AMISOM ayaa bilaabay in ay ka guuraan mid ka mid ah fariisimihii ugu weynaa ee ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhismaha Jaamacaddii Gaheyr ee ku taal degmada Wadajir.

Dhismaha Jaamacaddan ayaa muddo 10 sano ku dhow ay degenaayeen Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, waxaana lagu wadaa in lagu wareejiyo Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad-Sugid.

Ciidamadan isaga baxaya Jaamacada ayaa lagu wadaa wadaa in la geeyo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, si ay ugu biiraan ciidamada halkaas ku sugan ee ka socda dalka Burundi.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ay ku dooneyso in AMISOM looga saaro meelaha muhiimka ah ee bulshada, waxaana dhowaan lagu wadaa in laga saaro Garoonka Kubadda cagta ee Stadium Muqdisho oo muddo ay degan yihiin.

Jaamacadda Gaheyr  waxaa ay ka mid tahay Jaamacadda  umadda , waxaana dhawaan lagu wadaa in dib u dayactir lagu sameeyo, si loogu bilaabo waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]