4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Soomaaliland :Dad la qabtay iyaga oo faqaya qabri uu ku aasnaa wadaad caan ah

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Ciidamada amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyey inay faqayeen qubuuro ay ku aasan yihiin wadaad caan ka ah degmadda Arabsiyo.

Xabaashan la doonayey in la faqo ayaa ka mid ah Xabaalaha mid ka mid ah wadaadada la siyaarto ee sanad waxaana dadka lagu qabtay kala ahaayeen afar qof oo kala ah nin ganacsade ah, nin qurbo joog ah iyo laba Askari oo dirays xiran.

Gudoomiyaha degmada Arabiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin hore lagu arka iyagoo faqaya balse markii la arkay ay baxsadeen, hase ahaatee hadana mar labaad lagu arkay taas oo keentay shakiga hadda ah in laga daba tago oo la soo qabto, inkastoo uu sheegay in labaddii askari ay baxsadeen.

“Laba nin baa qodayey labana gaar  bay ahaayeen, baabuurkaasi waa laga daba tagay koontoolka Caabudleh ayaa lagu soo qabtay, laba nin waa reer Hargeysa oo mid  waa ganacsto iyo mid qurbo joog ah waa arrin dareen kicisay, markii kowaad ee lagu arko maaha Arabsiyo waa markii labaad”ayuu yiri gudoomiyaha degmadda Arabiyo Cabdilaahi Cabdi. 

 

Waxaanu intaas ku daray “Sadex sanno ka hor waxa rag isku dayeen in ay faqaan wadaad caan ka ahaa degmadan Arabsiyo oo la odhan jiray Aw Gaab Dagaal oo ahaa aasaasihii magaalada iyo culimadii ugu hor degay isagoo xabaashiisa la qodayo ayaa la arkay, waxbaa nagaga Aasan bay yiraahdeen kuwaasi”

Gudoomiyaha degmadda Arabsiyo ayaa sheegay in wadaadkan hadda qabrigiisa la qodayey magaciisa la yidhaahdo Suufi Nuuriye, “ qabriga hadda la qodayey waxa la yiraahda Suufi Nuuriye, waa sheikh caan ah ilaa lixdankii ayaa lagu aasay, markii la qodayey siyaaradii maalintii la dhigayey ayeey ahayd, waxaa bartilmaameed looga dhigay culimadii hore waxa loo qodayo ayaa jirta waayo xaabuluhu waa kuwaas badan, marka kooxaha wax qoda uun baa lagu tirin kara oo Al shabaab iyo Daacishba xabaalaha way qodaan”. 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.