4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 11, 2017
Maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Masar

 

Talaado, July, 11, 2017 (HOL)- Booliska dalka Masar ayaa sheegay in ay dileen lix ruux oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kaddib iska horimaad dhexmaray malleeshiyadani iyo cidamada booliska.

Iska horimaadka ayaa yimid kaddib markii ay ciidamada amaanka weerareen guri ay ku dhuumaaleysanayeen ragani oo ku yaala magaalada koofureed ee Dairut. Dhamaan lixdi ruux ee joogay guriga la weeraray ayaa la dilay.

War qoraal ah oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku daabacday bogga ay ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay in guriga ay ciidamada beegasadeen uu ahaa goob ay maleeshiyada Daacish ka soo abaabuli jireen weerarada argagixiso.

Boolisku waxay sheegeen in ay goobta ka heleen, bambooyin, shan qori iyo rasaas la sheegay in ay isticmaalayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]