4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 8 , 2017
Banaadir oo 2-1 uga badisay xulka Kubadda Cagta Jubaland

 

Jicmo, December, 08, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ku soo idlaatay Garoonka Banaadir Stadium Cayaar xiiso badan oo dhaxmartay labada Kooxood ee Banaadir iyo Jubaland oo ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Xidigaha Gobolka Banaadir.

Dawaashada Cayaartan oo aheyd mid aad u xiiso badneyd waxaa ka qeybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Sidoo kale waxaa Garoonka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolleedka Jubaland.

Cayaartooyda Jubaland inkastoo ay dhaliyeen 1 Gool oo kaliya, haddana waxaa ay soo bandhigeen Cayaar heerkeedu sareeyo, waxaa jiray wararo is daba joog ah oo mar walba ay ku qaadayeen Goolka Kooxda Gobolka Banaadir.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa in ay is arkaan Kooxaha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed oo yeelan doona kulan siweyn loo wada sugayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]