4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Madasha Talo –Wadaag oo soo dhaweysay sii deyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Jimco, December, 22, 2017 (HOL) – Madasha Tala-Wadaag oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweysay sii deynta siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay maxkamada gobolka Banaadir dib xoriyadiisa ugu soo celisay.

Talo-Wadaag oo ah madal ay ku midoobeen siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa dhinaca kalana ka tacsiyeeysay Eheladda iyo Asxaabta dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan  Cabdishakuur.

Madasha waxey bogaadisay dhamaan dhinacyadii ka shaqeeyay arinta C/raxmaan iyadoo ku baaqday in xasiloonida la ilaaliyo sharci dalka u yaalana la dhowro.

Akhriso Bayaanka madasha Talo Wadaag :

 

 

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]