4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
DAAWO: Sida Kismaayo looga dabaaldegay kadib guusha xulka Kubadda Cagta Jubbaland
Jimco, December, 22, 2017 (HOL)–Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada ayadoo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn, kadib markii xulka kubadda cagta dowlad goboleedka Jubbaland uu ka guuleystay xulka kubadda cagta Puntland oo ay galabta wada dheeleen cayaartii kama danbeysta ee tartankii kubadda cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Kadib markii garsooruhu ku yeeriyay seeriga dhammaadka cayaarta, waxaa mar qura wadooyinka Kismaayo isugu soo baxay boqollaal dadweeyne ah, oo cayaarta si toos ah ugala socday warbaahinta.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.