4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Madaxweynaha Hirshabeelle oo dadaal ugu jira ansixinta golaha wasiiradda

 

Jimco, December, 22, 2017 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dadaal ugu jira sidii xildhibaannada baarlamaanka maamulka u ansixin lahaayeen golaha wasiirada.

Madaxweynaha ayaa xalay kulamo la lahaa xildhibaannada Hirshabeelle, waxaana uu kala hadlay sidii ay u ansixin lahaayeen golaha Wasiirada, sidoo kale kulamada waxaa qeyb ka ahaa odayaasha dhaqanka.

Kulamadan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka sida madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana rajo laga qabaa in la meel mariyo golaha wasiiradda

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu wado in golaha wasiirada cusub ee Hirshabeelle ay hor-tagaan Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Madaxweyne Waare ayaa bishii hore ku dhawaaqay gole wasiiro cusub oo aanay ku jirin Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana arrintan ka soo horjeestay xildhibaanada qaar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]