4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Shirka Madasha-wadatashiga Dastuurka oo ka furmaya magaalada Garoowe

 

Jimco, December, 22. 2017 (HOL) - Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada, Gudoomiye Ku-xigeenka gobolka Banaadir ee Arrimaha siyaasadda iyo Amniga, Agaasimaha Guud iyo La taliyayaal sare oo k atirsan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda dhexe.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Dastuurka Puntland iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiir Xoosh oo saxaafadda la hadlayay ayaa ka mahadnaqay soo dhaweeynta wanaagsan ee loo sameeyay, sidoo kale waxa uu ka hadlay ujeedada safarka.

 

“Ugu horeeyn, waxa aan ka mahadcelinayaa soo dhaweeynta aadka u qiimaha badan ee na loo sameeyay, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan markale soo gaaro Garoowe, waxaa aan u nimid Garoowe in aan ka qayb galno shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka oo Sedexdii bilba mar qabsooma” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wafdiga ayaa ku sugnaan doona Garoowe maalmaha soo socda iyaga oo War-murtiyeed ka soo saari doono shirka madasha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]