4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Gollaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo cod Aqlabiyad ah ku diiday in Quddus tahay caasimadda Israa’iil

 

Jimco, December, 22, 2017 (HOL) - Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar ka hor imanaya go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Israel ugu aqoonsaday magaalada Quddus.

Qaraarka loo codeeyay ayaa dhigaya in la buriyo go’aan kasta oo wax ka beddelaya xaaladda haatan ay ku sugan tahay Magaalada Qudfus.

Illaa 128 dal ayaa u ogolaatay qaraarka, sagaal waddan ayaa diiday, halka 35 dal ay ka aamustay ka dib kulan deg deg ah oo Goluhu ku yeeshay magaalada New York gelinkii dambe Maanta.

Inkastoo Qaraadada golaha QM aysan qaban aheyn fulintooda haddana arintan ayaa waxay go’doomin siyaasadeed ku noqoneysaa Maraykanka maadaama dowladaha caalamka intooda badan ay ka soo horjeesteen go’aanka Qudfus uu ka qaatay.

Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsaday Maraykanka, Israa'iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.

Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico

Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]