Jimco, December, 22, 2017 (HOL) - Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa
sheegay in ay u baahan taageero Maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo si looga guuleysto
dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano
Madeira ayaa War ka sheegay kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada
Nairobi ee dalka Kenya.
“Waxaan u baahan nahay taageero deg deg ah, ciidamadeenu waa diyaar,
laakiin waxaa ay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwo kobciya tani ma aysan noqon
wixii laga filayey, inkasta oo ay ku soo noqnoqonayaan ballan-qaadyadii ay
sameeyeen Wada-hawlgalayaasha” ayuu yiri Madeira.
Madeira ayaa ka digay hadii la waayo dhaqaale in halis ay geli karto ku
guuleysiga dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab Tobankii sano ee la soo
dhaafay kaasi oo ka socda Soomaaliya.
“Soomaaliya xasiloonida muhiim ayay u tahay iyo guud ahaan xasilloonida
gobolka Bariga Afrika iyo wixii ka baxsan, haddii aanan si xeeladaysan u
wajihin khatarta Al-Shabaab, waxay sii wadi doonaan inay khatar galiyaan
Gobolka,” Ayuu sidoo kale yiri Francisco.
Wuxuu kaloo sheegay Madeira in qorshooyinka AMISOM ee 2018 ay ka mid
yihiin in loo wareejiyo saldhigyo waa weyn oo hor leh oo ku yaala guud ahaan
Soomaaliya oo ay ku wajahan yihiin Ciidamada xoogga dalka.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa
Mareykanka ayaa isku diyaarinaya weeraro culus oo ay Al-shabaab kaga saarayaan
goobahooda ay ku xoogganyihiin Jubbooyinka iyo Gobolada kale ee dalka.
Talaadadii, ayuu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh
Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qiimeyn ay samaysay xukuumaddu ay ogaatay in qiyaastii
boqolkiiba 30 Askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya aysan hubeysneyn.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]