4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 22, 2017
Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo War ka soo saaray dalabkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Jimco, December, 22, 2017 (HOL) – Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen War ka soo saaray dalabkii Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ee ahaa in Xasaannada lagala noqdo labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

War ka soo baxay Guddiga oo ku taariikheysnaa 19-ka bishan ayaa ka dambeeyay, markii Guddiyada Joogtada ay shir gaar ah ka yeesheen warqada codsiga uu u soo gudbiyay Xeer Ilaaliyaha, waxaana kulanka kaddib ay isku raaceen jawaab dhaliilo iyo talooyin loogu jeediyay Xeer Ilaaliyaha. 

Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha ayaa sidan u dhignaa :

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]