4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 10, 2017
Al-shabaab oo Gaadiid xamuul ah ku gubay deegaan hoostaga degmada Beledweyne

 

Axad, December, 10, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ilaa Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah goor dhaw oo maanta ah dab ku gubeen deegaanka Maroodile oo hoostaga degmada Beledweyne.

Dagaal kooban oo dhaxmaray maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Amniga iyo siyaasada ee maamulka degmada Beledweyne Maxamuud Cali Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay gubeen Lix Gaari oo kuwa xamuulka qaada ah oo ku sii jeeday deegaanno hoostaga Ismaamulka Itoobiya iyo gobollada Bay iyo Bakool.

Gadiidka la gubay ayuu sheegay guddomiye ku-xigeenka degmadae in ay ka anbabaxeen magaalada Beledweyne.

Todobaadyadii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan waxaa dhaqdhaqaaqyo ka wada dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in ay ka soo firxadeen duqeynta diyaaradaha Mareykanka ee gobollada Koonfurta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]