Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda SoomaaliyaMaxamed C/llaahi Famaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray
hambalyo ku aadan Ciidul Adxa.
Madaxweynaha Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan
yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu
gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.
“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo
astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna..”ayuu yiri Madaxweynuhu
Madaxweynaha waxaauu si wayn ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu
u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin
umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.
“Haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u
istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka
doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa
kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”
Madaxweynaha ayaa rajo ka muujiyey in
Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]