4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 31, 2017
Sanbaloolshe : Arinta sarkaalka ONLF ee lagu wareejiyay Itoobiya waxaa haboon in laga hadlo wqtigeeda

Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa markii ugu horeysay si dadban uga jawaabay su’aal aheyd waxa ay dowladda ka og-tahay sarkaal ka tirsanaa jabhada ONLF oo la sheegay in dowladda Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya.

Su’aashan oo aheyd mid la weydiiyay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa waxaa kala wareegay taliyaha nabad-sugida Qaranka oo yiri ‘’ Arrinka la xiriira Sarkaalka la sheegay inuu ONLF yahay ee dowladda wareejisay sidaa la socotaan arrinkaas waa arrin xasaasi ah oo ay waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo, aniga oo afduubaya dowladda waxaa jeclaan lahaa in arrintan aysan xilligan dowladda ka hadlin”ayuu yiri Taliyaha NISA .

Ra’iisal wasaare Kheyre oo dhinaciisa ku raacay taliyaha hay’addaha nabad-sugida in arintaa loo daayo waqtigeeda, madaama ayuu yiri taliyaha nabad-sugida yahay shaqsiga amniga u qaabilsan dowladda arintaana xog ogaalnimadeeda tahay in isaga looga danbeeyo.

“Madaxda Qaranka waxaa la yiraahdaa hay’adaha Sirdoonka ayaa u taliya, haddii uu na afduubo, isaga noo xog ogaalsan dalka amnigiisa”.

Ururka ONLF ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay u gacan gelisay Itoobiya C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, iyagoo ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ku xad-gudubtay dastuurka iyo xeerarka caalamiga iyo midka dalka Soomaaliya.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]