4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2017
Dagaalka Magaalladda Tal Cafar oo aan wali dhammaan iyo ciidana Ciraaq oo la kulmay iska caabin

 
Khamiis, Augusto, 31, 2017 (HOL) -Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay la kulmayaan iska caabin adag oo kaga imanaysa dagaalyahanada kooxda Daacish oo ku jira magaalo yar kadib markii ay ka carareen magaalladda Tal Cafaar.

Mid ka mid ah saraakiisha u hadlay ciidada Ciraaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dagaalka ka dhacaya magaalladda Cayaadiya uu xitaa ka adagyahay kii ka dhacay magaalladda Mosul.

Taliyeyaasha ayaa kor u qaaday duqeynta cirka iyo madaafiicda goobta, iyaga oo sidoo kale dalbaday gurmad.

Maalintii axadda ayay militariga sheegeen in ay xoreeyeen gabi ahaanba magaalada Tal Cafaar, halkaasi oo ahayd meeshii ay ku xoog badnaayeen kooxda Daacish.

Waxa ay ahayd todobaad hawlgalo waaweyn oo duulaan ah ay ciidamada Ciraaq ku qaadeen magaaladan. Kaas oo ay ka qeybqaataan ciidamo gaaraya illaa 50,000 oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidamada Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegaya in boqolaal dagaalyahano ah oo ku hubeysan qoryaha toogta wanaagsan, mootarada, iyo gantaalada garabka la saarto ay fuuleen guryaha magaalada Cayadiya, taasi oo adkaysay in ay ciidamada horey u galaan magaalladda.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia