Shirweynaha Qaran ee xal u helida arimaha Qaxootiga oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali
Khayre ayaa soo xiray shirweyne looga hadlayay Xal-u-helidda Qaxootiga
Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya, iyadoo shirkani soo qaban qaabisay
Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo
mudadii saddexda maalin ee soconayay looga doodayay sidii xal maangal ah loogu
heli lahaa qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, ayaa
xiritaanka shirka uga dhawaaqay 1-da bisha agoosto in loo asteeyey maalinta
qaxootiga Soomaaliyeed. Isla markaana ay muhiimad gaar ah u leedahay bulshada
Soomaaliyeed maadaama ay in badan oo kamid ah ay ka hayaameen dalkooda mudadii
colaaddu ay jirtay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in
laga fekero xal u helidda mushkiladaha jira oo sababay in dadka Soomaaliyeed ay
maciin bidaan dalalka adduunka, wuxuna xusay in Xukuumaddu ay xoogga saari
doonto sidii dadka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol wanaagsan oo ay uga
maarmi karaan qaxootinimada.
“Xukuumaddu waxay xoojin doonta daryeelka iyo dib-u-dejinta barakacayaasha
gudaha, isla markaana waxay xil adag iska saari doonta maareynta habsami u soo
noqoshada qaxootiga somaliyeed ee dalka dibeddiisa ku sugnaa mudada ka badan
30ka sano” ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in lagama maarmaan ay tahay inaan isku darsano
caqliga si aan xal waara ugu helno arinta qaxootiga Soomaaliyeed, xukuumadda
iyo madaxda dalkuna ay diyaar u yihiin dadaal walba oo gacan siinaya dadka
qaxootiga ah.
“Wallow illaahey nooga raayay Abaarihii iyo dhibkii, balse dadka liita u
samafalkiisa waxay noo tahay muhiimada koowaad, dalka gudihiisa iyo Dibadiisa
Qaxootiga joogana mar kasta waa inaan ka fikirnaa”.ayuu raaciyey Ra'iisal wasaare
Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii kula dar-daarmay bulshada
Soomaaliyeed inay is cafiyaan gacana isa siiyaan. Isagoo tilmaamay in
qabyaaladdu ay tahay astaanta bur-burka dawladnimada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]