Rugta ganacsiga oo ka shirtay wareegtadii ka soo baxday wasaarada ganacisga iyo warshadaha
Arbaco, Augusto, 30, 2017 (HOL) – Gancsatada ku mideysan Rugta Ganasiga iyo Warshadaha oo
kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaa ay siweyn uga wada
hadlleen wareegtadii dhawaan ka soo baxday wasaarada ganacsiga ee lagu sheegay
in lagu kala diray Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.
Kulankaa oo waqti dheer qaatay ayaa waxaa ugu horeyn ka
hadleyn gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Cabdiraxmaan
Cabdulaahi Aadan waxaana uu sheegey in ay la yaab ku noqotey Wareegtadii
ka soo baxdey Wasiirka Ganacsiga isagoo sheegey in Rugta Gananasiga ay ay
tahay meelaha sida Cadaalad ay Doorashadeeda u Dhacdo.
“Waxay ahayd in la tashi la sameyso Dhamaan ganacsatada
Soomaaliyeed ee ku mideysan Rugta Ganacsiga si ay u ogaato Xaqiiqda Dhabta iyo
qaabka ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga iyo Warshadaha” Sidaa waxaa yiri
Gudoomiye ku xigeenka Rugta oo sheegey Madaxda ugu sareysa ay si deg deg ku soo
dhex galaan arrintaan.
Xubnihii kale ee kulankaas ka hadley Waxaa ka mid ahaa
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gaobolka Banaadir Cali Xuseen Ibraahim
(Cali Kaba Qori) waxaana uu sheegey in aad uga Xumaadeen Wareegtadadaas ay soo
saartey Wasiirka Ganacsiga waxaa uu intaa sii raaciyey.
“ Rugta Ganacsiga waa Rug Madaxbanaan hase yeeshee
Wasaarada Ganacsiga waxaa kala dhaxeeya Iskaashi iyo Wada shaqeyn sidaa
Darteed Wareegtadaas waxay tilmaameysaa qof aan la socon Xaalada
Dhabta ah ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga iyo Warshadaha waxaana ku
celinayaa in ay madaxda dowladda arrintaan soo farageliyaan”
Waxaa kaloo Shirkaas balaaran ka hadley Gudoomiyaha
Caymiska Spomaaliyeed Maaxamed Cabdi Maxamuud Waxaana uu yiri “Waa
sannadkii Ummada Soomaaliyeed la isku soo dhaweyn lahaa marka ma ahayn wax ummada
Soomaaliiyeed sii kala Fogeynaya la soo saaro sidaa darteed waxaan ku talinayaa
in wareegtadaas dib loogu laabto
Maxamed Axmed Rooble oo ah Gudoomiyaha Dhoofka iyo
soo dejinta ee Rugta Ganasiga Soomaaliyeed iyo Abshir Maxammed
Culusow oo ah Gudoomiye ku xigeen Rugta ganasiga Gobolka Banaadir oo labadoodu
kulankaas ka hadley ayaa yiri “ Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ma
aha Rug lagu maamulo Wareegto ee Waa Rug ay madaxdooda ku yimaadaan Doorasho
marka wareegtadaas waxay la mid tahay mid ku dhaqan ah habka Hantiwadaaga
ama Shuuciyada''