4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 29, 2017
Ganacsato taageertay go’aankii lagu kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha


Talaado, Augusto, 29, 2017 (HOL) –  Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu taageeray go’aankii wasaarada ganacsiga ay ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Ganacsata iyo dadkii kala duwanaa ee ka hadlay kulanka ayaa si weyn u taageeray una soo dhaweeyay in Wasaarada Ganacsiga kala dirto Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda ayeey ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka wasaarada ganacsiga ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho. 

Wasaarada ganacsiga ayaa maalintii shalay wareegto ka soo baxday ku sheegtay in gabi ahaanba la baabi’iyay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo ku baaqday doorasho cusub in guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed arintaa iska arkaan.

War ka soo baxay ganacsatada ayaa lagu yiri :

War-saxaafadeed kaani wax siyaasad ah lug kuma laha, sidoo kale Jacayl ama nacayb qof ama koox shaqo kuma lahan.

Wax shaqo ama dan ah oo ay ganacsiga magaaladaan u hayeen nimankii ay shalay kala dirtay Wasaaradda Ganacsigu majirin haba yaraatee.

Sax ma’ahayn sheegashadooda ahayd in loo dootay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in dib loo akhriyo warqaddii uu qoray Wasiirkii Ganacsiga ee taariikh 09/03/2017. Halkaas waxaa ku cad in aysan jirin cid wakiil ka ahayd ganacsatada Gobolka Banaadir.

Xaq ma ahayn mana jirto sabab ay wasaaradda maaliyaddu u siiso lacag canshuur ah koox ganacsato ah.

Canshuurtaas oo laga aruuriyey ganacsato masaakiin ah lagana yaabo in ay ku khasaareen badeecaddii canshuurta ay ka bixiyeen.

Waxaan soo dhoweynaynaa doorasho xalaal ah iyadoo la tixgelinaayo qodobbada soo socda:
 Aqoon cilmi ah, iyo waayo aragnimo ka turjumeysa duruufaha dhaqaale iyo ganacsi ee waddanka, Isla markaasna haysta kalsoonida Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaan soo jeedineynaa in ganacsatadu taageerto go’aankii Wasaaradda Ganacsiga taariikh 26/08/2017, isla markaasna lagu dhisayo Rug Ganacsi oo la wada leeyahay raallina la iskaga yahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]