4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Taliyihii ciidamada booliiska Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay

 

Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL)- War qoraal ah oo ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa shaqada looga joojiyey taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen, Cabdulqaadir Faarax Shire (Ereg).

Qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa lagu sheegay in shaqadii laga joojiyay taliyaha ciidamada Booliska Puntland.

Laakiin amarka ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku gacan seyray oo sharci daro ku tilmaay taliyaha booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax (Ereg) oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe.

Taliye Ereg ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Cameey uu isaga ku amray in uu taliye qeybeed xilka ka qaado, laakiin uu Ereg ku jawaabay in madaxweynuhu warqad uu soo qoro, waana tan keentay ayuu yiri in shaqo joojinta.

Taliyaha booliiska Puntland ayaa sheegay in 13 dhallinyaro ah oo la xiray caddeyn la’aan uu Taliye qeybeed xabsiga ka siidaayay kaddib markii ay xirnaayeen 5 maalmood,Maxkamad la’aanna ku jireen, isaga oo intaas ku daray in qeybta garsoorka soo aragtay, taas oo uu ka carooday Camey.

Akhriso wareegtada shaqo joojinta :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]