4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Guddi heer-wasiiro ah oo maanta ku wajahan deegaanka Bariire oo dhawaan lagu dilay 10 qof oo rayid ah

 
Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Guddi wasiiro ah ayaa maanta ku wajahan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo jimcihii lasoo dhaafay howlgal ay fuliyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Maraykan-ka lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay carruur ahaayeen.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar), ayaa 26-kii bishan guddi u saaray dhacdadii deegaanka Bariire, waxaana uu sheegay in muddo 5 maalmood gudahood ay guddigaas warbixin buuxda ay ka keenaan sidii ay wax u dhaceen.

“Guddiga oo uu guddoomiyaha u yahay wasiirka amniga waxaa looga fadhiyaa muddo Shan cisho ah ay jawaaab uga keenaan dhacdada ka dhacday deegaanka Bariire “sidaas waxaa  yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya. 
Ehelada dadkii dhawaan lagu dilay deegaanka Bariire ayaa diiday in ay meydadka aasaan, ilaa sida ay hadalka u dhigeen dowladda Soomaaliya ka qiraneyso in ay ka danbeysay dilka dadkan rayidka ah.

10 ruux ayaa la toogtay kaddib weerar ay wada jir uga fuliyeen degmada Bariire oo 50 km u jirta caasimada Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ah Jimcihii ina dhaafay.

Ali Nur oo ah guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in aan dadkan la aasi doonin ilaa dowladda ay ka qiraneyso lagana bixiyo Magdhaw.

‘’Sababta aan u diidnay in aan Aasno waa dowladda oo aan wali qirsaneyn in ay dilkan geystay ayuu yiri Ali Nuur oo la hadlay Reuters.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia