4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 28, 2017
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kulan casho sharaf ah la qaatay jaaliyadda Soomaalidda ee South Africa

 

Isniin, Augusto, 28, 2017 (HOL) –Madaxweynahii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay jaaliyadda Soomaalidda ee ku nool magaalladda Johannesburg ee dalka South Africa.

Kulanka oo ahaa is-xog-wareysi, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Safiir Jamaal Maxamed Barrow, qunsulka safaarada Maxamed Cali Mirre , Xoghayaha kowaad ee safaarada Ismaaciil Cabdalle Soomane iyo madax kale oo ka tirsan safaarada Soomaalida ay ku leedahay dalka South Africa.

Md. Xasan Sheekh, ayaa jaaliyadda ka dhageystay dhibaatooyinka lagu hayo ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi ku ganacsada iyo sida ay tahay nolosha Soomaalidda kale ee dalkaasi mudda ku nooleyd.

Mahadcelin kadib, Md. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa jaaliyadda warbixin ka siiyay Kulankii uu la galay Madaxweynayaashii Hore iyo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay waxaana uu ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan Soomaaliya horumarka ay hiigsaneyso.

Xasan Sheekh, waxaa uu sheegay in jaaliyadda ay wataan magac cuslus loona baahanyahay in ay muujiyaan wanaaga ay leedahay dowlad-wanaaga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb-galay shir-weyne ay kasoo qeyb-galeen qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa.

Hay’adda Thabo Mbeki foundation, ayaa isku keentay madaxda, waxaana shirka intiisa badan looga hadlay ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda, gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad-wanaagga iyo kala sareynta sharciga iyo kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta Caalamka.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia