Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada
Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddigii loo xilsaaray
dhacdadii Bariire looga baahanyaha in muddo 5 maalmood gudahooda ah ay warbixin
kaga keenaan dhacdadaasi.
“Guddiga uu guddoomiyaha u yahay wasiirka amniga waxaa looga fadhiyaa muddo Shan
cisho ah ay jawaaab uga keenaan dhacdada ka dhacday deegaanka Bariire “ayuu
yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa tacsi diray ehelada dadkii ku wax yeeloobay howlgalka, isaga oo intaa ku
darray in dowladda ay ka xuntahay waxii ka dhacay Bariire islamarkaana ay ka
go’an tahay sidii warbixin cad ah ay ugu keeni laheyd goobta uu falka ka
dhacay..
“Dowladdu way ka xun tahay wixii ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka
Shabeellaha Hoose wayna baareysaa dhacdadaasi, waxaana tacsi u dirayaa ehellada
iyo qaraabadii dadkooda wax yeelada ka soo gaartay halkaasi”ayuu ra’iisal
wasaare ku-xigeenka xukuumada.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane
Mahdi Guuleed Maxamed (Khadar) ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay maanta isugu
yimaadeen guddiga Amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa markii hore siyaabo kala duwan uga hadashay falka
lagu dilay dadka rayidka, hasse ahatee war markii danbe ka soo baxay ayaa lagu
sheegay in weerarkaas lagu xasuuqay dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]