4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Madaxda dowladda Soomaaliya oo la kulmay wakiilka midowga Yurub ee Bariga Africa

 

Sabti, Augusto, 26, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in midowga Yurub ay kordhiyeen ahmiyadooda shaqo ee dalka Soomaaliya,si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, qaybna uga noqdaan horumarka ka bilowday dalka” ayuu yiri ra’iisal wasaare.

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la jaan qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u helaan nabad iyo nolol.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]