4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 26, 2017
Hargeysa:Dhacdadii loogu hadal haynta badnaa oo noqotay hooyo Ilma yar wadato oo shalay diyaarad laga soo reebay

 

Sabti, August, 26,  2017 (HOL)-illaa shalay waxa baraha bulshaddu ku wada xidhiidho lagu hadal hayey dhacdo bani’aadanimadda ku xun oo Shirkadda Fly Dubai ku samaysay haweenay ilmo yar wadato oo  diyaaraddii ay raacaysay laga soo dajiyey iyo wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo rakaabka diyaaradda ka mid ahaa oo la dareen noqday haweenaydaasi oo isna ka soo haray diyaaraddii si uu mooralka haweynaydaasi u dhiso.

Dhacdadana ayaa waxay ka dhacday madaarka Hargeysa wakhti loo balansanaa in la raaco diyaaradda Carabta laga leeyahay ee Fly Dubai oo markii diyaaraddi buuxsantay ay isku dhaceen haweenaydaasi iyo shaqaalaha diyaaradda ka dibna kabtankii diyaaraddu go’aansaday in uuhaweynaydaasi safarka ka reebo, haseyeeshee wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa isku dayey inuu dhex dhexaadiyo, markii qoladii diyaaraddu ku adkaysteen arrintaasi wuxuu isna go’aansaday in uugabadha la reebayo ka mid noqdo oo uu ka hadho safarkaasi diyaaradda.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dood ku dhex abuurtay dadweynaha dhexdoodda, iyadoo badankoodu taageeray wasiirka Hawlaha guud iyo go’aanka geesnimadda leh ee uu qaatay, waxaanay dhacdadani u dhacday sidan waxaana barta Internetka ee uu wasiirku leeyahay Facebooga ku soo qoray sheekadii siday u dhacday “Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar waxay u socotay UK waxay airport Hargaysa timi 4.30 am si ay uraacdo Flydubai, anigu waxaan airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai.

Hasse ahaatee gabadhi iyo ilmaheediiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab.

Diyaaraada waxaa la fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedi waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahayee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cadaan  ah oo shaqaalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii waxay u sheegtay in ay kursigedii ku fadhiisato waxay ku tiri ka daaqada ma fadhisan karo waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan  kackaco oo aan musqusha u baahdo.

Gabadhi shaqaalaha ahayd way ku adkaysatay, ninkale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada  waxay go'aan ku gaadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale Soomali ah oo u shaqaynayey Flydubai waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeyey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah waxay tidhi cidna maan caayin Laakin lama dhegaysan.

In yar ka dib ayaan soo dhexgalay inamadii Somaliga ahaa waxay ii sheegeen in aan wax wayni jirin laakin captainku amar bixiyey waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka ladlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isasoo taagay waxan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu iiisheegay in ay go'aan ku gaadheen in aanay racin gabadhaasi diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo.

Markii uu aniga iyo managerka airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee insa waa la diiday, markaa waxaan anigu go'aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada.

Inkasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada hadana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay.Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii.

Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu iisoo garaacay in uu raali galiyo laakin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameeyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.

Hadaad arki jirteen Airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caruurta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaarada.”

Arrintani waxay tilmaamaysa in wasiirku markii uu wax ka qaban kari waayey gabadha la dajiyo,isla markaana wasiirkii shaqadan lahaaa la diiday uu isagu awoodi karayo inuu mooralka hooyadda ilmaha yar wadata ilaaliyo.

Dhinaca kale, wasiirka duulista hawaddad sare Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in haweenaydaasi uu isagu amray in laga soo dajiyo ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay iyada iyo shaqaalihii diyaaradda.

"Aniga qaaday go'aanka ah qofkaa ha la soo reebo, ma garanayo wasiirka waxa soo raaciyay ma qaraaba ma..? wasiirka telefoonkan ka wada hadalnay ana waan ka soo hadhaya buu yidhi warbaahintana waan u yeedhanaya oo waan la hadlaya dee haddaad la hadasho ceebi may dhicin baan ku idhi ee nidaamkayagii saxda ahaa baanu marnaye taasi waa arrin kale laakiin, masuuliyadda madaarku wasaaraddayday hoos timaadda go'aanka aanu qaadanayna go'aan sax ah buu ahaa," ayuu yiri wasiirka Duulista oo u jawaabay wasiirka Hawlaha guud.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.