4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 26, 2017
Wasiirada cusub ee Galmudug oo la meelmariyay

 

Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Xildhibaanada Galmudug ayaa goor dhow ansixiyay wasiirada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Ducaalle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan wasiirada cusub , madaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug.

Fadhigii xildhibaannada ayaa waxaa soo xaadiray 57 mudane, iyadoo ilaa 52 xildhibaan ay ogolaadeen gollaha wasiirada cusub.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in ay ansax yihiin wasiiradda cusub Galmudug.

Xubnaha gollaha wasiirada ayaa intooda badan ka tirsanaa maamulkii madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]