Sabti, Augusto, 26,2017 (HOL) -- Booliska Belgium ayaa lagu waramayaa in xalay bartamaha magaalada Brussels ku toogtay
nin toorey ku dhaawacay labo askari, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa Soomaali.
Ninkan la toogtay ayaa la sheegay in uu ku qeylinayay Allaahu Akbar, ka hor
inta uusan beegsan askarta, waxaana markii dambe toogasho ku dilay Booliska.
Xeer Ilaaliyeyaasha Belgium ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in weerarkaas
uu yahay mid argagixiso.
Goobta uu weerarka dhacay ayaa la xiray waxaana tan iyo xalay ka socday baaritaano ay
wadeen booliiska.
Warbaahinta Belgium ayaa sheegaya in ninka weerarka geystay uu ahaa
Soomaali, waxaa socda baaritaan lagu haayo sidii uu ku soo galay dalkaas iyo
hadii uu ahaa nin degenaa.
Kooxda Daacish ayaa dhawaan ku baaqday in weeraro loo adeegsado gaadiidka
lagu qaado magaalooyinka Yurub.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]