4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 25, 2017
Al Shabaab oo xalay weerar ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin G/Sh/Dhexe

 
Jimco, Augusto, 25, 2017 (HOL) –Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar ballaaran ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaanka Qaansheeg oo ku yaalla duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidad dadka deegaanka ay sheegeen.

Al shabaab ayaa dhankooda sheegtay in weerarka ay ku dileen saddex askari, balse ma jirto war ka madax banaan oo xaqiijinaya tiradaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Shabeellaha Dhexe ayaa dhankooda sheegay in ay iska difaaceen raggii weerarka soo qaaday, oo aanay jirin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Xaaladda degaanka Qaansheeg oo weerarka uu ka dhacay ayaa saakay deggan, Ciidamada Dowladda Federaalka ayaana halkaasi ka wada Howlgallo amni xaqiijin ah.

“Saaka ma jiraan wax dagaallo ah ama rasaas la maqlayo balse saaka cabsi xooggan ayaan ku waabariisanay. Dagaalkii xalay aad ayuu u cuslaa”, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaasi u sheegay Hiiraan Online.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada gaadmada ee noocaan oo kale ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaannada koonfurta Soomaaliya.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia