4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Odayaal iyo waxgarad war ka soo saaray mowqifka gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle

 

Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya dhawaan go’aan ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee khilaafkii soo kala dhaxgalay maamulka Hirshabeelle, kuna baaqay in la qabto doorasho madaxweyne’’ ayaa waxaa arintaa ka soo horjeestay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Odayaashan oo ku shiray Beledweyne ayaa sheegay in mowqifka gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle markii horeba cadaa, sidaa daraadeed uusan jirin wax iska badalay mowqifkii beesha ee la xiriiray maamulka Hirshabeelle.

Kulanka kaddib ayaa bayaan ka soo baxay waxgaradka shiray waxaa warbaahinta u aqriyay Nabadoon Maxamed Cabdi Lixle, oo sheegay in beesha marnaba raali ka noqon doonin siyaasad la xiriirta maamulka Hirshabeelle.

 

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aankii dowladda ee ahaa kursiga madaxweynaha  u tartami karaan musharixiin hal dhinac ah loo arki karo mid la doonayo in leysaga horkeeno beesha laguna abaabulo sida ku qornaa bayaanka dagaal dhiig ku daadto.

Waxaa ugu danbeyntii loogu baaqay waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha in ay ka soo qeybgallaan kulan ka dhici doona magaalada Beledweyne oo looga wada hadlayo siyaasada iyo mustaqbalka gobolka Hiiraan.

Dhawaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa ku baaqay in shir deg deg ah oo ka furmaya magaalada Beledweyne, isaga oo ku wargaliyay siyaasiyiinta beesha in ay ka soo qeybgallaan shirka, waxaana lagu soo waramayaa in ay jiraan siyaasiyiin hor dhac ah oo gaaray Beledweyne.

Dhismihii maamulka Hirshabeelle ayaa mudo dheerba waxaa ka taagnaa khilaaf siyaasadeed kaddib markii ay ku gacanseyreen duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Hasse ahaatee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xassan Sheekh Max’uud ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay dhismaha maamulkan oo ka kooban Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, balse wax ka yar sanad khilaaf soo kala dhaxgalay uu sababay in kalsoonidii lagala noqdo madaxweynihii maamulka Hirshabeelle  Cali Cabdullaahi Cosbole.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]