4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey oo Muqdisho yimid

 

Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) – Ku-xigeenka xog-hayaha guud ee QM dhinaca siyaasada Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana uu kulamo la qaadanayaa madaxda dowladda.

Waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta dowladda iyo ku-xigeenka xog-hayaha QM ka wada hadlaan arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha hor-yaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Jeffrey Feltman oo wehliyo wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa kulan la leh guddoonka baarlamaanka labada Aqal iyo wasiiru uu ka mid yahay wasiirka dastuurka Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa looga hadlayaa arrimaha dib u eegista dastuurka iyo siyaasad loo dhan yahay, waxaa kulanka ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa Abshir Bukhaari.

Sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Booqashadan ayaa imaneysa xili maalintii shalay kulan ballaaran uu magaalada Muqdisho ku dhaxmaray madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya iyo wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay arimo badan oo quseeya siyaasada iyo hormarinta dhaqaalaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]