4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 24, 2017
Faah-faahin: Kooxo hubeysan oo xalay nabadoon caan ah ku dilay Degmada Afgooye

 
Khamiis, Augusto, 24, 2017 (HOL) –Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Xaawo Taako ee degmadda Afgooye ku dilay Nabadoon Duraan Cali Axmed oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Afgooye, sida uu sheegay Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxda dilka geysatay ayaa ku hubeysneed bastoolado, waxaana ay ka carareen goobta markii dilka ay geysteen kadib.

Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in hay'adaha ammaanka ay wadaan baaritaano ku aadan kuwii dilka gaystay.

"Hay'adaha ammaanka ayaa wada baaritaanno ku saabsan dilkan, haddii ay dileen Al Shabaab iyo haddii ay dad kale dileenba dib ayaan Saxaafadda uga soo sheegi doonnaa." ayuu yiri Cumar Maxamuud Cilmi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyad dilka ka dhacay degmadda Afgooye. Dhinaca kale laba habeen oo is xig-xigta ayuu dagaal ka dhacay degmadda Afgooye, kaas oo uu u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.

Degmadda Afgooye oo 30km u jirta magaalladda Muqdishu, ayaa waxaa dhowr jeer weer kusoo qaaday Al Shabaab, balse waxaa ay la kulmeen iska caabin xooggan.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia