Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab isku dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala degmada.
Sakariye Ibraahim Cabdulaahi oo 19 jir ah wuxuu Maleeshiyada Al-shabaab ee gobolka Galgaduud la shaqeynayay mudo Shan sano ah.
General Axmed Maxamed Tareedisho ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u xaqiijiyay isa soo dhiibista sarkaalkan.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dowaladda isku soo dhiibaan saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo marar badan oo hore siyaabo kala duwan isugu dhiibay ciidamada dowladda ee ka howlgala gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]