4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay dalka Afghanistan

 

Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhaw oo maanta ah lagu waramayaa in uu ka dhacay koonfurta dalka Afghanistan sida ay warbaahinta u sheegeen laamaha amniga.

Shan ruux oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa lagu dilay weerarkan oo ay sheegteen in ay ka danbeeyeen kooxda Taliban.

“Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta Booliiska ee Lashkar Gah,” ayuu yiri Omar Zhwak oo ah afhayeenka maamulka gobolka Helmand.

Dadka sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa oo ay ka mid ahaayeen carruur ardey ah ayaa wax ka baranayay masaajid u dhaw halka uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay suur-tagal tahay in khasaaraha uu intaasi ka sii bato.

Ururka Taalibaan ayaa inta badan qaraxyo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka shacabka ah la beegsada xarumaha dowladda Afghanistaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]