4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 23, 2017
QM oo ka walaacsan xaaladda 20 million oo qof oo ku nool waddamo ay kamid tahay Soomaaliya

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Ku-dhowaad 20 milyan oo qof oo ku nool waddamada Yemen, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo waqooyi-bari dalka Nigeria, ayaa qarka u saaray xaalad macluul ah iyo in qaarkood horey ay usoo martay macluusha, sida ay sheegeen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe.

Dhibaatada dabiiciga ah waa arrin wax ku ool ah, laakiin dhibaatada badankeeda waxaa ay tahay mid dadka ka yimid oo haddana ay saameysay.

Dalka Koonfurta-Suudaan, halganka u dhexeeya Madaxweynaha Salva Kiir iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Riek Machar, ayaa keentay qulqulka qoxootiga, iyagoo ka cararaya dagaalkii sokeeye ee ka qarxay dalkaasi bishii December 2013-kii.

Dalka Yemen iyo waqooyi-bari Nigeria, ayaa iyagana lamid ah oo ay ka jiraan dagaallo sokeeye oo ay wadaan kooxo dowladdaha dalalkaasi la dagaallamaya.

Dalka Yemen 7 million oo qof ayaa u baahan gar-gaar deg-deg ah halka 10 million oo kalena ay gaajeysanyihiin.

Sidaasi si lamid ah dalka Soomaaliya oo dagaallo sokeeye ay muddo ka socdeen, ayaa dadka nool waxaa ay la kulmeen musiibo kedis ah oo macluul ah.

Nus kamid ah dadka Soomaaliyeed ayaa sandkan waxaa ay noqeen kuwo u baahn in gar-gaar deg-deg ah lala soo gaaro, taas oo dunida aysan ka bixin jawaabtii laga filayay, sida warka lagu yiri.

 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobe, ayaa dhinaca kale xustay in dadkaasi ay xaaladooda tahay mid quus ah.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia