4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 23, 2017
Lt. Col. Philbert “Howlgalka AMISOM waxaan ka fileynaa in uu soo celin doono nabada iyo xasiloonida Soomaaliya”

 
Arbaco, Augusto, 23, 2017 (HOL) –Guuto cusub oo ka tirsan ciidamada Difaaca Qaranka dalka Burundi ee (BNDF), ayaa 21-kii bishan soo gaaray magaalladda Muqdishu, si ay u bedelaan ciidamo horay u joogay Soomaaliya oo muddo howleedkooda uu dhamaaday.

Ururka cusub oo ah 45-aad, ayaa waxaa hoggaaminayay Lt. Col. Philbert Hatungimana.

“Waxaan ka filaynaan in howlgalka uu soo celin doono nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu dadka Soomaaliyeed ka caawin doonaa in ay dib u helaan nabad”, ayuu yiri taliyaha.

Dowladda Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu ciidamada badan, waxaana ka horeeya oo keliya dowladda Ugnanda.

Wadammada deeq-bixiyeyaasha ayaa ballan-qaaday in ay sii wadidoonaan taageerada ay siinayaan ciidamada AMISOM si guul looga gaaro waxa ay ugu yeeraan la dagaalan-ka argigixisada.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ansixiyay qaraar waqtiga sharciyadda u kordhiya howlgalka Midowga Africa ee Somalia ee Amisom.e.

Qodob ka mid ah Qaraarka ka soo baxay Qaramada Midoobay ee muddo kordhinta ayaa lagu sheegay , in Golaha Amaanka uu ugu baaqayo dalalka ku yaboohay ciidamada Amisom ay xaqiijiyaan in dambiyada ka dhanka ah dadka Soomaalida ee ay ciidamadu geystaan baaris lagu sameeyo.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia